Guddi aan Dhexdhexaad ahayn Muxuu dhexdhexaadin Karaa? Yaab!!

Reading Time: 2 minutes

Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa magacaabay guddi ay ku sheegeen inay yihiin guddi xallinaya kala fikir duwanaanshaha ka dhex taagan hey’adda fulinta iyo Golaha Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Laakiin Arrinta shacbiga Somaliyeed isweydiinayeen waxay tahay aqalka sare oo og in guddigaan aysan dhexdhexaad marnaba noqon Karin ayaa haddana kula dardaarmay inay arrinkaan tumashada sharciga iyo ku xadgudubka Barlamanka dhexdhexaad ka noqdaan.

Guddigan oo Toddoba xubnood ka kooban 5 kamid ahi waa kudladdii Farmajo iyo Kheyre aqalka sare ugu jirtay: Jurille, Gooxjeex, Dhegdheer, Dhagey iyo Cabdi kaafi waa xubnaha aqalka sare ka difaaca danahooda, waxooda sidaas ku qaata, waana xubnaha u adeega Farmajo iyo Kheyre.

Goonjeexwaa Farmajo adeerkii waana la taliyaha khaska ah gaar ahaan arrimaha muhiimka. Waxaa uu horay Farmajo ugu  xilsaaray isaga iyo Cabdishakuur Cali Mire inay diyaariyaan ciidan lagu carqaladeeyo gobolllada dhexe oo fadhigoodu yahay Caabudwaaq. Waana kii ay horay u soo qortay MOL in ay hub iyo saanad geeyeen halkaas.

Dhegdheer oo ah R/Wasaare adeerkiisa kalana taliya arrimo badan iyo Ugaas Dhagey waxay Kheyre iyo Farmajo u qaabilsan yihiin burburinta Galmudg, iyagoo kaashanaya  Carrabey iyo Cali Gacal Casir.

Haddaba sidee ayaa guddi noocan ah dhexdhexaadiyaal loogu magacaabi karaa?

Xogta ay heshay MOL waxay sheegeysaa in MW Farmajo uu soo dhiibay  liis ay ku jiraan 5 taan xubnood waxaana lagu soo daray oo kaliya Garuun iyo Cabdirisaaq Gacamey oo aan kooxdaan ka tirsaneyn , hasa yeeshee iyaga cod ayaan lagu muquuninayaa ayaa lagu heshiiyey.

Xubnaha Guddigan uu ka kooban yahay ayaa kala ah:

  1. Cabdirisaaq Cismaan Xasan Jurille Gudoomiye
  2. Cabdiwaaxid Cilmi -Goonjeex
  3. Cabdi Axmed Dhuxulow- Dhegdheer
  4. Yuusuf Geelle Ugaas- Ugaas Dhagey
  5. Cabdi kaafi Macallin Xasan xubin
  6. Cabdullaahi Cabdi Garoon
  7. Cabdirisaaq Axmed Cali.

Waxaa halkaas ka cad inaan lagu talagalin in wax horumar ah laga gaaro dembiyada laga galay Guddoomiyaha, Gaolaha shacbiga iyo Shacbiga guud ahaanba.

MOL waxaa. Kula talineysaa in MW Faramajo uu iska casilo wixii uu halleyn karo waa halleeyey, wuxuuna dalkaan dib u dhigay 10 sano oo kale. Dalka wuxuu caawa qarka u saaran yahay inuu ka qarxo dagaal sokeeye oo Farmajo Wasaarada Gaashaandhigga loogu galo. Waayo waxa Baydhabo ka socdaa xuduud ma leh oo waxay berry soo gaari Xamar oo uu ka jiro gaboolfal weyn iyo dilal qorsheysan iyo kuwa hadda la diyaarinayo.