Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif oo maalhaman danbe ku suganaa magaalada Laascaanood ayaa looga shakiyay inuu si dadban ugu biiray dhaqdahqaa ka dhanka Dowlada Somaliland.
Siyaasyiin ka soo jeeda Somaliland ayaa ku eedeyay Gudoomiye Cabdirisaaq in ka waad Laascaanood carqaladayn kuu carqaladaynayo in ciidamada magaalada kasoo galay dhinaca Somalia iyo Itoobiya laga wada saaro isla markaana maleeshiyada la marin habaabiyey ee kasoo jeeda “Somaliland” loo caqli celiyo.
Dhankale Cabdirisaaq Khaliif ayaa dhankiisa diiday inuu ku biiro wasiiradda xukuumadda Somaliland ee ku sugan Laascaanood waxaanu maalmahanba ku jiray magaalada Laascaanood gudaheeda halkaas oo uu ka wado shirar ay mucaaaradku ku sheegeen in ay yihiin shirar dhabajabin ku ah hawlgalada ciidanka Qaranka Somaliland.
“Sidee bay suuragal ky tahay in Cabdirisaaq ku nagaado magalaada Laascaanood iyada oo ciidankii dowladii uu ka tirsanaa la ugaarsanayo”. Sidaa waxaa yiri xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland.