Gudd. G.W. Somaliland C/risaaq oo tagay Jig-jiga, diiday inuu tago Hargeysa

Reading Time: < 1 minute

Waxaa  safar aan horay loo shaacinin ku  tagay magaalada JigJiga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif . Gudoomiyaha ayaa mudo ku dhaw laba bilood ku sugnaa  magaalada Laascaanood.

Warar aan la xaqiijinin ayaa sheegaya in Gudoomiyaha ay martiqaaday dowlada Itoobiya. Inta uusan u duulin Itoobiya ayaa Madaxweyne  Muse Bixi waxa uu ka codsaday  Gudoomiyaha inuu marka hore yimaado Magaalada Hargeysa si uu wada tashi ula sameeyo madaxda Somaliland.

Gudoomiye C/rosaaq oo u muuqda in uu go’aan ka gaaray ku nagaanshaha Somaliland ayaa diiday inuu tago magalaada Hargeysa. Diidmada uu gudoomiyah u diiday inuu tago magalaada Hargeysa ayaana daliil u ah in uusan marnaba dib ugu noqon dooninin dalka la magac baxay Somaliland.

Wararka kale oo hordhac ah ayaa sheegaya in safarka Magaalada Addis Abbaba ka dib uu Gudoomiyaha uu safar ku tagi doono Magaalada Muqdisho halkaas oo kulmo kula yeelan doono madaxda dowlada Federaalka.

Ma cada halka uu ka duulay ama uu uga duulay Addis Ababa, laakiin waxaa la sheegayaa inuu diyaarad ka soo qaatay magalaada Garowe ee degaanka Puntland.