Musharrax Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa si dadban u weerara Madaxweyne Muse Bixi, laakiin waxaa uu si dadban u taageeray holgalad ciidanka Somaliland ee degaanka Laascaanood.
Gudoomiye Ciro ayaan wax talo ah aan ku sooo kordhin xaalada cakiran ee ka jirta Laascaanood oo aan ahaynin inuu diyaar u yahay in dhexdhexaadin ka sameeyo labada dhinac. Ciro ayaa mudo ku dhaw bil ka aamusnaa dagaalka ka jira Laascaanood. Dad badan ayaa ka sugaayay inuu ka hadlo xasuuqa ka dhacay Laascaano balse waa uu ku dhiiran waayay inuu canbaareeyo ciidanka Somaliland.
Beelaha dega Sool ayaa horay u sheegay in ayan markale dib ugu biireeynin Somaliland kuna biireen Somaluland. Arintaan ayaa ka dhigan in dadka Sool ay u arkaan Muse iyo Cirro labo nin oo walaalo ah oo ku dagaalamay cidii xukumi lahayd shacabka reer Sool, gaar ahaan beesha Dhulbahante.
Ciro ayaa intaasi kudaray in xukunkii iyo Garashadii Muuse dhashay xabad iyo xinjiro. “Qaxa, barakaca, dhaawaca iyo dhimashada-Laascaanood ka socotaa, oo hore dadka reer Somaliland u soo mareen, Madaxwayne Muusa-na goob jog u ahaa- inuu casharro iyo duruus ka baran-waayo oo maanta waayo aragnimo ku baajin kari waayo dhibaatada taagani waxa ay muujinaysaa koritaan la’aan siyaasadeed, habow hoggaamineed iyo fashil dawladeed”.
Madaxweyne Muuse, waxa aan leeyahay inta aad talada Qaranka la anban karaysay waad la anbatay, garashadaadii, xukunkaagii iyo xeeladaadii waxa ay dhashay xabad iyo xinjiro dhiig leh oo gudaheena ah, su’aasha ku hortaala ee aanad jawaab u haynin waxa ay tahay meeyay dalkii iyo Dadkii mideysnaa ee lagu dhiibay? Muuse waxa aan ugu baaqayaa inuu dhagaysto talooyinka samaha sida, maankiisana uu ku-hayo su’aasha ah sidee ayay u eekaan doontaa Somaliland ta aad ka tagaysaa dhawaan?” ayuu yidhi Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo manta warbaahinta kula hadlay Hargaysa.
Saddexdii caano maal ee ugu dambeeyay wax dagaal ahi kama dhicin Laascanood, walaw ay ciidamadu weli kukala suganyihiin goobihii ay hore ukala fadhiyeen.