Gudoomiyaha gobalka Ciiraan Cali Jeeyte Cismaan oo shir jiraa’id qabtay ayaa ka jawaabay hadalkii (08-dii may) oo uu sheegay inay dadka qaar sida khaldan u fasirteen ee ku saabsanaa sii wadida dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo sidoo kale hay’addaha qaar ee ku fashilmay arimaha biyo xireenka kuwaas oo uu sheegay inay wajahi doonaab isla xisaabtan.
Cali Jeeyte ayaa tibaaxay in hadalkii ku saabsanaa sii wadida ladagaalanka Al-Shabaab dadka qaar aysan fahmin dulucda Hadalka, ee siyaabo kala duwan loo fasirtay. Taas oo ula jeeday in Madaxweyne ku xigeenka uu fasar qaldan ku sameeyay hadalkiisa.
Waxaana hadalka Cali Jeyte ka mid ahaa inuusan markale u dulqaadanaynin in hadalkiisa ay madaxda qaar u isticmaalaan in laga dhigto madaafiic dagaal siyaasadeed uusan isagu lug haba baratee ku lahaynin. Waxa uuna uu ugu goodiyay Yusuf Dabageed inuu ka waantoobo been abuurka.
“Al-Shabaab waxaan kula dagaalanay 30 wiil marne 60, Marne 120, iyo kumanaan wiil, ma markaas ayaan daalnya mise hadda oo aan Shabaab ka Guuleeystay ayaan daali kareeyna waxaa waxa aad looga xumaado ah in dadka qaar aysan fahmi karin nuxurka erayga iyo marxalada hadalka Maanta oo aan ka xoog badanahnay ka waayo Aragsanahay ka wiilal iyo hub badanahay miyaan daalanahay mise shalay ayaan daalnaa waxaan u Cadeeynayaa shacabka in tabarusub aan sii yeelano mooye kama daaleyno dagaalka Al-Shabaab waana sii wadi doona” ayuu yiri Cali Jeyte
Cali Jeeyte ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyey in Erayada qaar ee la isticmaalayo in fasiraadiisa la Barto iyo waxa uu yahay erayga (Apologize) ama Raaligelin ee laga bixinayo hadal-qofeed.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Cali Jeeyte Cismaan ayaa xusay in hay’addaha qaar ay u Baahan’yahiin islaxisaabtan madaamo aysan wajahin goobahii horey loogu cayimay ee Fatahaadaha kuwaas oo shirar horey u dhacay loo Cilaamiyey hay’addaha qaar.
“Hay’adda NIS FOUNDATION weey qabatay Shaqadii ugu habooneed lakin hay’addaha kale iyo kuwa soo maray wasaarada Maaliyadda Fadaraalka waa in hoos loo eego, anaga intii shaqada biyo xireenka bilaaw, geeda aheed Waxaan galnay dagaal intii aan hoowsha ku jirnay In dib biyahii shacabka ku dhibaateeyeen in kabadan 10 million dollar (Toban milyan oo dollar) ay ku Baxdo meelo aan aheeyn meelahii aan cayinay ee uu soo jeediyey maamulka Gobolka wax suuragal ah mahan ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiyaha”.
Ugu dambeyn Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa shacabka ugu baaqay in faham-kooda uu sareeyo asigoo carabka ku xoojiyey in xaaladaha adag sidii looga bixi lahaa leysku garab istaago.