Gudashada Cimrada ee bisha  Ramadaan oo noqotay mid la isugu  faano, leyskuna balansado

Reading Time: < 1 minute

Waxaa dalka Soomaaliya ku soo kordhay dhaqan aan horay looga aqoonin kaas oo ah in sanadkastaa safar cimro ah lagu tago magaalada barakeysan ee Makkah, halkaas oo loo tago gudashada cimrada.

Gudashada Cimrada  ee bisha Ramaadan ayaa noqotay mid la isugu faano, mararka qaarna ay siyaasiyiinta iyo ganacsatada Soomaalida ay isku balansadaan si ay halkaas ugu sheekeeystaan.

Waxaad arkeeysaa dad oronaya, “aanu isku aragno cimrada  sanadkaan si aan isku wareeysano”. Mid kamida dadkan sanadkaan gudanaya cimrada ayaa sheegay in habeenkii iyo galbihii aad ku arkeysid banaanka hoteelada  magaalada Makkah dad Soomaaliyeed oo sheekeysanaya oo ayanba u muuqan muhiida loo tagay magalaada barakeysan ee Makkah.

Dhanka kale qaar baa sawiro iyo Video iska soo qaadayo iyaga oo  ku faanaya inay joogaan Cimrada, qaar iyaga oo hoteelo joogaan ayaa ay isa soo sawirayaan. Dadka qaar oo ku kajamaya qofka ay la hadlayaan ayaa oranaya, “adeer Somali u soo duceey iyo wax kale oo lamida.”

Mar hadii kacbada loo tagayo fasax iyo isku soo sawirid, waxaa ka wanaagsanaan lahayd in dadka masaakiinta  ah ee dhibaateysan la caawiyo oo lacagta lagu safrayo iyga lagu quudiyo bishaan baraysan.

Waxaa taa ka sii daran waxaa cimrada aadayo kooxo la ogyahay inay dhaceen ama hada dhacaya hantida ummaadda Soomaaliyeed kuwaas oo u badan siyaasiyiin