Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yarisow oo jawaabaya xildhibaano & waxgarad maanta ku shiray magaalada Muqdisho si loo abaabulo shirweyne looga arrinsanayo maqaamka iyo mustaqbalka Gobolka Banaadir ayaa ku tilmaamay xildhibaanadii shirka ka soo qeyb galay in aay yihiin qaswadayaal isku soo abaabulay qaab qabiil.
Engineer Yarisow aya bartilmaansaday Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble isagoo ku tilmaamay in uu yahay “Qaswada aan raalli ka ahayn horumarka gobolka, isla markaana uu rabo in uu koox uu qabiil ku soo abaabulay uu ku hor istaago horumarka gobolka”
Isagoo hadalkiisa sii wata aya waxaa uu sheegay “Xaguu ku maqnaa Xildhibaan Cosoble markaan dhisaayay todobo laami”
Hadalka ka soo yeeray Yarisow aya dadka intooda badan ay u fasirteen in uu ahaa hadal lagu qasbay in uu sheego, waxaadna ka dareemeysa wejigiisa cabsida ka muuqatay marka uu hadlaayay.
Engineer Yarisow aya waxaa magacowday RW Kheyre & Xil. Mustaf Dhuxulow waxaana la sheegaa in uu ka shaqeeyo danaha beesha RW Kheyre. Waxaa uu socdaal uu ku tagay 14 jeer degmada Dayniile wuxuuna ka fuliyay todoba mashruuc halka isku darka guud ee Gobolka laga hirgeliyay 22 mashruuc.
Lama oga sida uu Xil. Cosoble uga falcelin doono hadalka ka soo yeeray, balse dadka saadaaliya siyaasadda aya sheegay in Xildhibaanada intooda badan ay ka baqaan RW Kheyre sidaa darteedna uusan talaabo qaadi doonin Xildhibaan Cosoble iyo Masuuliyiinta kale ee uu carab dhabay Yarisow
Halka hoose ka daawa hadalada Yariisow