Gud. Yariisow – MW Farmaajo ma aha shaqsi lala shaqeyn karo shaki dartiis

Reading Time: < 1 minute

Saaxiibo aad ugu dhow Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ing. Yariisow ayaa oo caawa uu waramay ayaa laga soo wariyay in Guddoomiye Yariisow uu dyaar u yahay in uu xilka isaga tagayo, isagoo ku macneeyay in madaxweynaha aanu ahayn shaqsi isku kalsoon oo aan lala shaqeyn karin, kaddib kulan maanta dhex maray RW Kheyre, MW Farmaajo & Guddoomiye Yariisow.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray amni xumada sii kordheysa ee ka jirtay magaalada Muqdisho iyadoo usbuuc ka yar aay kooxda Al Shabaab ka fulisay magaalada Muqdisho qaraxyo aay ku dhinteen dad ka badan 120 qof, halka aay cusbitaalada magaaladana aay jiifaan dhaawacyo gaaraya ilaa 160 sida aay sheegeen kooxaha gurmadda degdegga ah.

MW Farmaajo ayaa ku eedeeyay RW Kheyre iyo Guddoomiye Yariisow in aanay wax xil ah iska saarin sugidda amniga Muqdisho, wuxuuna sheegay in aaysan wadashaqeyn ka dhexeey ka dhexeyn maamulka Gobolka Banaadir & Hay’adaha Amniga, taasoo eedeeda dusha laga saaray Gud. Gobolka Banaadir & maamulkiisa.

Gud. Yariisow waxaa kale oo uu saaxibadiis u sheegay in MW Farmaajo uu yahay shaqsi shaki badan oo aanan lahayn saaxiibo la taliya kana caawina sida aay Dowladnimada u shaqeyso.

Yariisow ayaa ku hanjabay in haddii MW Farmaajo ka deyn waayo handadaada joogtada ah ee ku hayo uu diyaar u yahay in uu xilka ka tago. Yariisow ayaa sheegay in aanay shaqadiisa ahayn amni balse masuuliyiinta lahaa sugidda amniga uu MW Farmaajo uga leexanaayo in aay yihiin koox ka tirsan kooxdiisa.