Gud. Mursal oo maanta kulan wadatashi ah la qaatay Xildh. Koonfur Galbeed

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa maanta kulan wadatashi ah la qaatay dhamaan xildhibaanada laga soo doorto  deegaanka Koonfur Galbeed.

Kulankaas ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay labadii gudoomiye ee hore  Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari iyo Shiikh Adan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe)

Kulankaan  Qadada ah waxa looga arinsanayay xaaalada siyaasadeed ee ka jirta deegaanka Koonfur Galbeed iyo dhibaatooyinka siyaasadeed ee ka jirya iyo sidii xal waara loogu heli lahaa.

Waxaa muuqata in ay madaxda iyo shacbka dad reer Koonfur Galbeed ay isku duubmeen qaateena siyaasada midaysan oo looga soo horjeedo faragalinta dowlada Fedaraalka ee xaalada cakiran ee ka jirta Koonfur Galbeed.