Gud Mursal oo la kulmay safiirka Sucuudiga u fadhiya Kenya

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa la kulmay Safiirka dowladda Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Mohamed A Khayaat.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay saf xiriirka labada shacab iyo iskaashiga labada dhinac ee arrimaha hormarinta.

Safiirka Sucuudiga ay welwel ka muujiyay xaaladda siyaasadda Soomaaliya una ballan qaaday Gud. Mursal in ay ka taageeri doonaan baahida guddoonka Baarlabaanka iyo xildhibaanada JFS.

Guddoomiye Mursal ayaa Safiirka kaga mahad celiyay booqashada uu ugu yimid iyo warbixinta uu ka siiyay howlaha hormarinta ee dowladda Sacuudiga ay ka wado Soomaaliya.