Gudoomiyaha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya aya ka hor yimid go’aaankii ay maanta qaateen Gudoomiye ku Xigeenka koowaad Cabdiwali Muudeey iyo kan labaad Mahad Cawad iyo RW Kheyre kaas oo lagu kala diraayay Gudiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nur oo la hadlay telefishinka iyo raadiyaha Dalsan aya sheegay in Gudoomiye Mursal uu la soo hadlay qaar ka mida xubnaha Gudiga Maaliyadda oo uu isaga ku jiro. Gudoomiye Mursal aya ka hor yimid go’aanka sharci daradda ah oo ay maanta qaateen labadiisa ku xigeen. Gudoomiyuhu Waxa uu shegay in uusan waxba kala socon go’aanka la qaatay kaas oo u arko in uu yahay mid ka soo horjeeda xeer hoosaadka Baarlamaanka.
Halkaan ka daawo wareeysiga Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nur.