Gud. Mursal oo go’aansaday in uu sameeysto degaan rasmi ah oo ka baxsan Villa Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiye Mursal ayaa shaaca ka qaaday in uu si rasmi ah uu uga guurayo Xarunta Villa Soomaaliya  isla markaana uu deegaan ka sameeysano meel ka baxasan Villa Soomaaliya.  Gudoomiyaha ayaa sheegay  in uu ku noolaan doono dibbda Villa Soomaaliya inta uu ka dhamanaayo dayactirka ku socda Villa  Hargeysa oo deegaan u ahaan lahayd.

Gudoomiyaha ayaa lagu wadaa in uu degi doono Degaanka ku dhaw Villa Soomaaliya gaar ahaan degaanka loo yaqaan Peace 3 Hotel. Ciidanka AMISOM aya dhankooda balan qaaday in ay qaadayaan mas’uuliyadda ilaalinta Gudoomiyaha kuna ilaalin doonaan degaanka cusub oo uu dhawaan u guuri doono.

Inkastoo mooshinkii Madaxweynaha la baajiyay hadana guuritaanka Gudoomiyaha ayaa u muuqata mid muujinaya in uu wali jiro dareen isfaham la’aaneed iyo cuqdo ku kala jirta labada dhinac.