Gud. Maxkamadda Gobolka Shabeellada hoose oo la dilay

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelda Hoose ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho lagu dilay Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Shabeellada hoose Siciid Cumar Xassan (Subeyr).

Marxuunka ayaa waxa dilay labo nin oo mindiyo ku hubaysan waxa ayna ku dileen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho kadib markii ay murmeen marxuumka iyo labada nine ee mindiyaha ku weerartay inkastoo aan la sii faahfaahin waxa murankaasi la xiriiray.

Guddoomiyaha la dilay ayaa waxaa 5-tii Agoosto 2018-kii xilkan u magacaabay madaxweynihii hore ee koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif xassan Sheikh Aadan waxaana uu xilka hayey mudda hal sano ah.