Gud. Maxamed Mursal oo usbuuc kaddib dib ugu laabtay Madaxtooyada

Reading Time: < 1 minute

MW. Maxamed Farmaajo iyo Gud. Baarlabaanka JFS Maxamed Mursal aya caawa waxa ay markii ugu horreeysay ku kulmaan xarunta Madaxtooyada.

Labada masuul aya waxa ay ka wada hadlayaan waxa xigi doona mooshinkii ay maanta ka laabteen xildhibaanada.  Waxaa sidoo kale jira xildhibaano ka hadlay mooshinka waxaa uu Xildhibaan C/xakiin Macalin oo kamid ah xildhibaanadii gudbiyay Mooshinka ayaa wareysi uu bixinayay wuxuu si cad u sheegay inay iyaga go’aansadeen inay ka laabtaan mooshinkii ay horey u keeneen.

Wuxuu xildhibaanka sheegay in mooshinkaasi markii hore ay ku keeneen waddo sax ah, balse hadda sida ka muuqatay qoraalka guddoomiyaha baarlamaanka in la doonayo in la dhiso maxkamad dastuuri ah oo arimahaan oo kale wax ka qabata.

Xildhibaanka wuxuu sidoo kale sheegay in haddii la xalin waayo dhamaan qodobada sababay inay mooshinka ka laabtay ay soo celin doonaan mooshin ay madaxweynaha kula xisaabtamayaan.

RW Xasan Cali Kheyre aya juhdi badan ku bixiyay in uu kala ilaaliyo MW. Farmaajo iyo Gud. Maxamed Mursal.