Iyada oo ay isa soo tareyso wararka sheegayo in lacago lagala baxay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa hadashay Gudoomiye Ku Xigeenka Bangiga Dhexe Marwo Maryan Macalin. Maryan aya sheegtay in ay bangigu diyaariyay war bixin ay doonayaan in ay u gudbiyaan Gudiga Maaliyadda iyo isla xisaabtanka ee Baarlamaanka marka ay soo codsadaan warbixintaas.
Gudmoomiye ku Xigeenka ayaa sheegtay in ayan mas’uuliinta Bangiga qaadi doonin eed iyo ku tagarifal dhaqaale oo ayan ayagu lug ku lahayn. Dalka Madax buu lee yahay iyo baarlamaanla xisaabtama ayaga ayaa ay u taalaa talabada ay ka qaadayaan hadii si sharci daro ah lacag loogala baxay Bangiga Dhexe.