Waa maxay sabab uu Yariisow oo Shaqada uga joojiyey Shirkada Bilicsan

Reading Time: 2 minutes

Maalintii Shaley aheyd arbacdii03 Oct 2018 Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa booqdey xarunta shirkada Bilicsan ee ka shaqeysa qurxinta magaalooyin.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa si weyn ugu hambaliyeeyey Maamulka iyo shaqaalaha Shirkada sida Wanaagsan ee ay uga shaqeeyaan bilicda Magaalooyin waaweyn ee dalka.

Maamulka shirkada Bilicsan Mudane Cabdiweli Ibraahim Garyare ayaa waxaa lagu yaqaanaa nin ad adag oo si weyn u dhaliila shaqada xukuumada iyo shaqsiyaadka la magac baxay milikiilishaa Dowladda.

Warar ka aan heleyno ayaa sheegeya in xildhibaanadana kala ah Cabdishakuur Cali Cali Mire, Xildhibaan Xuseen iidow, Xildhibaan Gaboobe, Siyaad Maxamuud Shire iyo Gudoomiye Ku-xigeenka Maamulka Gobalka Banaadir Xuseen Dhegadiish ay cadaadis xoogleh iyo hanjabaado waaweyn ay kala duldhaceen Gudoomiye Yariisow, taasina ay sababtey inuu warqadan soo saaro Yariisow isagoo u baqaya xilkiisa.

Shirkada Bilicsan ayaa waxaa milkadeeda iska leh Gudoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed oo ka mid ahaa shaqsiyaad ka ugu dhow dhow Madaxweyne Farmaajo.

Kooxdan Talada dalka heysa ayaa waxaa caado u ah in la dhibaateeyo qof walba oo ka soo xorjeeda fekerkooda ku dhisan keligiis talisnimada.