Gud. Gacal oo ka horyimid go’aanka Qoor-Qoor & Digniina u diray saaxibada Qoor-Qoor

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal oo ka hadlay goor dhaweed Xarunta Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in aysan jirin cid loo diidi karo in kuraasta ay u tartanto islamarkaana aysan jirin kuraas la xiraayo.

Hadalka ka soo yeeray Gacal ayaa si toos ah uga hor-imaanaya qarshaha Qoor-Qoor uu ku doonayay in uu gabi ahaanba u xiro kuraasta qaar shaqsiyaad gacan saar la leh isaga. Sida kuraasta beesha Sacad, Murusade, Saleemaan, Beesha Waceysle iyo beesha Sacad.

Galmudug ayaa u muuqata mid ku jirta fool siyaasadeed taas oo ku socoto wadadii burburka iyo kala fogaanshaha beelaha dega Galmudug.