Gud. G/W Somaliland C/risaaq oo maanta Laascaanood kula kulmay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo ku sugan Magaalada Laascaanood ayaa maanta kulan la yeeshay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

Xogaha ayaa tilmaamaya in ay ka wada hadleen xiisadda kacsan iyo dagaalka ka socda magaalada, balse Lama oga natiijada kulankoodu kusoo dhamaaday iyo waxa ay isku afgarteen.

Xaaladda guud ee magaalada laascaanood ayaa ah mid dagaal hadheeyay oo hakad galisay noloshii dadwaynaha waxaana wali la maqlayaa rasaas ka dhacaysa magaalada iyo nawaaxigeeda.

Kulanka ayaa ku soo aadaya iyada oo xaalada Laascaanood ay meel xun mareyso. Gudoomiye Cabdirisaaq ayaa isku dayay in uu xal ka keeno isimada ku shiraya magalaada Laascaanood. Waxaana muuqata inuusan waxba galin xaaalada faraha ka sii baxaysa ee ka jirta Laascaanood.

Magaalada Laascaanood ayuu maalintii labaad ka socdaa dagaal sababay dhimasho, dhaawac iyo sidoo kale khasaare maaliyadeed, ilaa hadana ma muuqato xal lagu joojiyo oo dagaalkan loohelay.