Gud. C/risaaq oo sheegay inuu taageersan yahay dib-u-xureynta Gobolada SSC

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif  oo ka soo jeeda Gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaano ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Dowlada Somaliland  Muse Bixi in uu horseed u yahay dagaallada ka soconaya xarunta gobalka Sool ee Laascaanood.

Hadalka ka soo yeeray Gudoomiye Cabdirisaaq ayaa waxa uu soo afjarayaa Mashruucii Somaliland ee sodonka sano ay ku soo caano maaleen shacabka ku abtirsada Somaliland.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Laascaanood, Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif ayuu ku sheegay in uusan matalin Hargeysa iyo Burco uuna yahay masuul matala Sool.

“Anigu waxaan metelaa Sool, ma metelo Burco, Hargeysa iyo Gabiley mana ihi nin u shaqeeya sida Wasiir Koore. Xadhig walba oo nabadda lagu xidho waxa furfura Muuse Biixi” ayuu yiri Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif.

Kahor shirka jaraa’id Cabdirisaaq Khaliif ayaa tagey dhammaan goobaha laga qabsaday ciidanka Somaliland ee duleedka Laascaano, isagoo lakulmay hoggaanka ciidamada.

Madaxtooyada Somaliland ayaa u aragta Gudoomiyaha golaha wakiilada Somalilan in uu diiday fulinta damaceeda ahaa kala qeybinta bulshada iyo in ay deegaanada SSC sii xukunto.