Gud. C/risaaq oo lagu eedeeyay in lacag Muse Bixi u dhiibay u weeciyay xoogaga SSC

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegeen Wasiirka Difaaca, Cabdiqani Maxamuud Caateeye iyo Wasiirka Warfaafinta  Saleebaan Cali Koore, ee Somaliland, Gudoomiyaha Aqalka Wakiilada Somaliland Cabdirisaq Khalif  ayaa dhacay lacag loogu soo dhiibay in lagu xaliyo dhibta ka jirta Magaalada Laascaanood.

Madaxweyne Muuse Bixi oo looga digay inuu dhaqaale iyo talaba ku aamini Gudoomiye Cabdirisaaq ayaa ku adkeystay in lacag lagu sheegay $2 laba Milyan oo loogu dhiibay in lagu xaliyo dhibta Laascaanood uu ku wareejiyay ciidanka la dagaalamayo ciidamda Somaliland.

Gudoomiye Cabdirisaaq ayaa markii uu la fariistay Madaxweyne Muse Bixi ku dooday inuu xal ka keenayo dagaalka Laascaanood laakiin uu u baahan yahay dhaqaale uu howshaa ku  soo qabto. Madaxweyne Muse Bixi oo doonayay in mar uun laga xaliyo dagaalka Laacaanood ayaa lacag $2 Malyan ah ku wareejiyay Gudoomiye Cabdirisaaq.

Wasiir  Koore ayaa sheegay inay hayaan cadeymo in lacagtii uu ka qaaday Madaxweyne Muse Biixi in loo  istcimalaay in lagula dagaalo ciidanka Somaliland,  Waxa ayna ku tilmaameen khiyaanada uu sameeyay Cabdirisaq Khaif inay tahay mid aan la cafin karin.

Dhanka kale, Agaasimaha madaxtooyoda Somaliland ayaa dhankiisa sheegtay inay aad uga naxeen in Gudoomiye Cabdirisaaq inuu hantidii Qaranka Somaliland loo isticmaalo in lagu burburyo jiritaanka Somaliland.

Fanaanada weyn ee reer Somaliland Sahro Halgan ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Internet ku sheegtay in ay ka digtay inay Somaliland leedahay cadow gudaha ah, laakiin aan laga dhagaysanin laakiin hada  miraheeda la guranayo.

Gudoomiye C/riosaaq oo ay Golaha Wakiilada ka codsadeen inuu horyimaado ayaa sheegay in uusan xiligan imaan karin magalaada Hargeysa ilamaa inta  laga soo afajarayo waxa uu ku sheegay “ khilaafka Gobolada SSC”.