Gud. Bangiga Dhexe oo diiday fulinta awaamiirta RW Rooble? Maxaa xigi doona?

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiyaha Bandiga Dhexe  Cabdirahman M. Cabdullahi ayaa gabi ahaanba ka  hor yimid qoraalka iyo amarka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Xilgaarsiinta Rooble eek u saabsan lacagta laga haysto dowlada Imaaraadka.

Gudoomiye Cabdiraxmaan ayaa qoraal uu u diray RW Rooble ugu sheegay in ayan marnaba macquul ahayn in la sii daayo lacag si qalad ah adalka ku soo dhashay, isla markaana ay tahay lacag uu caalamka oo dhan indhaha ku eegayo.

Gudoomiyaha oo ku shaqeeynayo awaamiirta Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Farmaajo ayaa u sheegay Rooble in dacwada lacagta ay dhawaan qoraal ka soo saari doonto maxkamada sare ee dalka, talooyinka ka soo baxa maxkamadana ay tahay in loo wada nuglaado in lagu dhaqmo.

Rooble oo ka baqaya ceebta kaga imaan karta qoraal ka soo baxa  qoraal ka maxkamada ayaa dhankiisa codsaday in gabi ahaanba la damiyo arinta lacagta, isagana uusan daba raacin bangiga dhexe-na uusan ka hadlin.