Gud. Baarlabaanka Puntland oo lagu wado in xilka laga qaado

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa sheegaya inuu halkaas ka socdo olole siyaasadeed oo xooggan.

Arintan Ololaha ah oo ay wadaan xildhibaano daacad u ah Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa doonayo inay xilka ka qaadaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daarood).

Kulanka Baarlamaanka Puntland ee Beri dhici doono ayaa la filayaa in la hor geeyo mooshin xilka looga qaadayo Guddoomiye Dhoobo.

Kooxda loogu magacdaray Aaran-Jaan oo sida la sheegey ah taageerayaasha Madaxweyne Saciid Deni ayaa doonayo inay meesha ka saaraan Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaana Maanta fashil kusoo dhamaaday kulan dhex maray Madaxweyne Deni iyo Guddoomiye Cabdixakiin Dhoobo.

Ciidamo dheeraad ah ayaa la geeyey Xarunta Baarlamaanka Puntland oo Berri ay ku kulmi doonaan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Dhoobe ayaa codsaday in ciidamada laga qaado Xarunta si beri uu kulanka u dhaco, waxayna wararka sheegayaan in ciidamadii halkaas la geeyey laga qaaday.

Magaalada Garoowe waxaa Caawa ka socdo olole siyaasadeed oo aad u xoog badan waxaa kaloo socda  kulamo iska soo horjeedo, waxayna Kooxda Aaran-jaan go’aan ku gaartay in xilka laga qaadayo guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay is khilaafeen.

Gudoomiyaha Cabdixakiim Dhoobo ayaa waxaa lagu eedeeyey inuu xiriir dhow la leeyahay agaasimaha hay’adda Nabadsugida dowladda Federaalka ah Fahad Yaasiin Daahir oo si aad ah ugu howlaha arimaha Puntland iyo sidii wax looga bedeli lahaa hogaanka sare ee ka jira maamulka Puntland.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!