Adan Barre Ducale oo ka lunsaday dowladda Kenya $17, Milyan doolar iyo Uhuru Kenyatta oo digniin u diray

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Mudane Adan Barre Ducaale ayaa Hay’ada Canshuurta Qaranka ee Kenya ku soo oogtay dacwad ah in uu ka lunsday qasnadda dowladda Kenya lacag lagu sheegay 1.7 Bilyan oo lacagta Shilinka Kenya ah una dhiganta $17 Milyan oo lacagta doolarka Maraykanka. Gudoomiye Adan Barre oo ay dhawaalahan danbe la soo daristay cadaadis siyaasadeed ee kaga imaanaya hogaanka ugu sareeya dalka Kenya, gaar ahaan Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa meel cad soo istaagay isaga oo lumiyay taageerada iyo kalsoonida Madaxweyne ku xigeenka William Ruto oo uu saaxiib la ahaa iyo madaxwayne Uhuru Kenyatta.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo meel fagaaraha oo ay ku sugan yhiiin qaar ka mida golaha wasiirada Kenya iyo saraakiisha ciidanka dalka Kenya   ugu sheegay Gudoomiye Adan Barre Ducaale in uu lacagta lagu leeyahay uu bixiyo sida ugu dhaqsiyaha badan hadii kale maxkamad la soo taagi doono. Madaxweyne Uhuru ayaa tusaale ka dhigay musuq-maasuqa lagu qabtay Adan Bare Ducaale.

Adan Barre oo ka xanaaqsan sida foosha xun ee loo ceebaystay ayaa iskudayay in uu abaabulo xildhibaanada laga so doortyo degaanka Rift Valley si ay uga horyimadaan Madaxweyne Uhuhu Kenyatta. Arintaan ayaa maalintii doraad ahayd waxa ay baarlamaanka Kenya ka dhex abuurtay kacdoon looga soo horjeedo Gudoomiye Adan Bare Ducaale. Waxaan shaki ku jirin in Gudoomiye Adan Barre Ducaale xiliga uu ku sii jiri doono siyaasada Kenya ay kooban tahay. Waxaana wax uga ciyaaray fudeedka iyo kibirka faraha badan.