Gud. Adan Barre Ducaale: “MW Farmaajo Somali waa ceebeysay” (Daawo Wareysigiisa)

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya Mudane Adan Barre Ducaale oo wareeysi dheer siiyay teleefishinka caalamiga ee Universal TV ayaa mar uu ka hadlayay xaaladda guud ee dalka Somaliya ka muujiyay rajo xumo iyo niyad jab.  Gudoomiye Adan Barre ayaa sheegay in uu aad iyo aad uga niyad jabay Dowladda Farmaajo dariiqa  ay dalka ku hogaamisay iyo sida ay ugu ciyaartay rajadii Somali ka qabtay dowladiisa. Waxa uu yiri ” adiga waxaan ku jiray madaxdii dowladda Kenya ee sida qiirada leh u soo dhaweysay Madaxwenye Farmaajo, waxana ka qayb galay caleema saarkiisa oo aan Muqadishu ugu tagay, laakin waxaa nasiib xumo ah in Dowladii  Farmaajo ay martay meeshii ay mareen kuwii ka horeeyay”

Mar uu ka hadlay xiriirka sii xumanaaya ee Dowladda Fedaraalka iyo Dowlad Goboleedyadda  ayuu ku tilmaamay nasiib xumo in MW Farmaajo hanan  waayay Dowlad Goboleedyadii isaga ka hooseeyay. Waxa uu yiri ” Somali waa ceebeeyseen ee wax iskula hara”. Dhanka kale waxa uu dowladda Farmaajo ku eedeyay in ay la safatay daraf ka mida darafyada  isku haysta Khaliijka oo ay ahayd qalad way oo Somali dhib wayn u keenay.

Halkaan ka daawo wareeysiga oo buuxa:

Gudoomiye Adan Barre Ducaale ayaa ahaa madaxda Kenya ee sida hagar la.aanta  ah u taageeray MW Farmaajo, iskuna dayay in xataa u diido mucaaradka Farmaajo in ay shirar ku qabsadaan dalka Kenya gudahiisa. Hadalka ka soo yeeray Gudoomiye Adan Barre ayaa u muuqda mid uu iska fogeeynayo xirierka uu la leeyahay Dowladda Farmaajo. Talabadaan ayaana u muuqata in MW Faraamjo xataa lumiyay saxiibadiisii ugu dhawaa ee wadamada dariska la ah Somaliya.