Waxaa muuqda inuu Bilowday dareen shacbi oo cabsi leh, fursadna ay sii siinayaan habadhaqannada foosha xun ee ay ku kacayaa Farmaajo iyo dabadhilifyadiisa. Habeen walba waxaa lagu dilaa xamar dad u dhashay beelaha Xamar deggan. Beesha ugu badan oo ay Farmajo iyo shabaabkiisa u shaqeeya khaarijiyaan ciroole iyo Caruur, haween iyo waayeel duq ah waa beesha Hawiye. Xamar laguma dilo Digil iyo Mirifle, Isaq, Daarood iyo beelaha laga tira badan yahay waxaa cabsi ugu nool waa dadkii u dhashay magaalada oo meel kale oo ay aadaan aana aqoon.
Dhacdooyinkan Waa astaan la mid ah tii Maxamed Siyaad Barre lagu riday 1990 kadib markii dadkii Xamar joogay ay gaareen go’aanka ah kolley waa dhimaneysaa ee adigoo dagaallamaya dhimo, waan dadka markey quus gaaraan oo ay naftooda inay huraan diyaar u noqdaan. Haddii uu boliiska ku dilayo, NISA ku dileyso, Maleyshiyaadka Farmajo ee ciidan looga yeeray ku dilayaan, Shabaab ku dilayo oo aan laguu kala sooceyn aqoonyahan, Oday dhaqameed, Sarkaal, Arday, Dhaallinyaro iyo haween hadda ma muuqato waxa meydka ugu sugtaa gurigaaga. Eeg Sawirka halkaan la socda cidda waxgalka lagu laayey ? Ma cudur dadkaan kaliya laaya? Maya waa hogaamiye dadkaan kaliya laaya.
Farmajo oo aan xataa u tacsiyadeyn, kana qeybgalin janaazadooda ayey ku haystaan madaxtooyada oo halka laga soo qorsheeyo dilalkaooda, waa mas guriga muskiisa kuu jiifa oo aad ka fileyso inuusan ku cunin ee uu qofkale cuno, kaasoo maalin walba ilmahaaga ama ehelkaaga mid ku taga.In la is aaminsiiyo dagaallo qabiil madhacayaan waa beentii 1988 ay wadeen dad badan iyadoo maalin walba ay dhacayeen dhibaatooyin kuwaan la mid ah.
Digniin Adag
Murashaxiinta, Beesha Caalamka iyo Shacbiga ha ogaadeen waxaa mardhow qarxi doonta xaalad cid waliba gubi doonta, laakiin Farmajo, Fahad iyo Rooblana waa ka kala carari doonaa oo mid waliba waxaa jeebka gadaale ugu jira ticketkooda ilmana Xamar kama joogaan. Ganacsatada Xamar maanta wax ku haysta ee isdabbaalinaya ama waad ceyroobi Insha Allah ama waa laguugu hor dili oo kadib la bililiqeysan hantidaada haddii maanta halganka wax lagu saxayo aadan ka qeyb noqon oo aadan ku bixin qeyb yar oo dhaqaalaha laga dhici doono ka mid ah haddii ay xumaato.
Dadka Muqdisho waxaa maanta la gudboon:
- Inay Farmajo iyo Rooble madaxtooyada ka saaraan oo ay cabsida dadka ula sinnaadaan.
- In Ciidan kii Badbaado qaran haddii uu kala tagay la abuuro ciidank booskoodi buuxiya oo shacbiga ka soo dhexbaxa una badan dhaalinyarada mustaqbalkooda lagu tumanayo oo midba meel gaar ah lagu dilayo habeen walba, Kadibna la yiraahdo: Kooxo hubeesan oon heybtooda la garan ayaa xalay xaafada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan gobolka Banaadir waxa ay ku dileen nin dhalinyaro ah, Mukhtar Yalaxow, kadibna goobta isaga baxsaday ragii dilka geestay”. Imisa jeer ayaa idaacad ka maqashay ama aad website ka akhrisay in dil noocan ah uu ka dhacay meel kale oo aan Xamar ahayn?
- In Murashaxiinta laftooda lala xisaabtamo oo laga qaato go’aan waayo waxay ku fashilmeen inay fahmaan masuuliyadda ay la imaneyso murashaxnimada iyo mucaaridnimada, haddaad rabtid berrisamaadka inaad dalka hogaamisid hoosta haka gelin kuwa hadda wax dilaya oo hala dagaalin kan dadka u doodaya.
- In beesha Caalamka Meesha laga saaro oo aysan dadka Xamar deggan isku hallayn oo ay fahmaan in Beesha Caalamka ay tahay calooshood u shaqeystayaal nuuga hadba kii irmaan lana ogaado inay la nool yihiin Fahad iyo Farmajo.
- In dekadda iyo Airportka dhaqaalahooda Meesha u hadda ku baxaa laga fiirsado oo aan la ogolan in lagu laayo dadka Xamar ee iyaga canshuurta laga qaado oo Cumar Finish iwm la iska qabto.
- In Calshood u shaqeysataayaasha Hawiyaha ah wax laga qabto oo lala dagaalo maadaama iyaga iyo Farmaajo ay ku heshiis yihiin in ummadda Xamar la cuno, lana xasuuqo goortii la doono.
Haddaan intaan la sameyn Karin Ilamahan iyo dhallinyarada shaqeysata NISA iyo boliiska loogu duceeyo inay maalinba mid iyo laba ka dilaan, shabaab iyo Madaxtooyadana ay waxgaradka magaalada gumaadaan.