Goorma Ayu Dhaqan Galaya Goa’aanka Dalka Loga Mamnuucay Shirkada DP World,Yaasa Hor Tagan

Reading Time: < 1 minute

iyado dhawan dalka laga mamnuucay shirkada DP World labada aqal ee baarlamankana ay meel mariyen aya waxa la is weydinaya xiliga uu dhaqan galaayo sharcigaasi.

Wasiirka Dekedaha Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac ayaa ka hadashay waqtiga uu uu dhaqan galayo go’aanka dalka looga mamnuucay Shirkadda Dekedaha Dubai ee Caalamiga ah DP World

“Howsha wali waa socotaa, dhinaa Baarlamaanka ayaa laga sugayaa, maadaama labada Aqal ay ansixiyeen Xeerka, inay u gudbiyaan Madaxweynaha, si uu u saxiixo”ayay tiri Wasiir Maryan Aweys.

Somaliland ayaa dhowaan sheegtay in aanu quseyn go’aanka Baarlamaanka uu ku ansixiyay in dalka laga mamnuuco DP World, sidoo kalena ay yihiin dal madax banaan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!