Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa Maanta kulan ku yeeshay Guddiga Farsamada iyo Dhismaha Galmudug iyo qaar kamid ah Odayaasha saxiixayaasha Galmudug.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dardar-gelinta xulista Baarlaamaanka Galmudug iyo sidii loo xareyn lahaa Odayaasha saxiixayaasha Galmudug.
Guddoomiyaha Guddigga farsamada iyo Dhismaha Galmudug C/Naasir Geelle ayaa sheegay in Maalinta Sabtida ah ee soo.socota la xareyn doono Odayaashii soo dhisay Galmudugtii hore si loogu gudbo soo xulista Baarlamaanka Galmudug.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo Maanta kulan la qaatay Guddiga Farsamada & Dhismaha Galmudug uu ku baaqay dardar-gelinta xulista Baarlamaanka Galmudug.