Goorma ayaa la furayaa Saldhigga ber-bera ee Imaaraadka!!

Reading Time: < 1 minute

War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Imaaraadka Carabta ayaa faahfaahin looga bixiyay Saldhigga dowladda Imaaraadka Carabta ay ka furaneyso Magaalada Berbera ee Somaliland.

Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in Saldhiga wajigiisa 1aad la furi doona bisha August ee sannadkan.

Saldhigga waxaa ku shaqa Bilaabi doona 15000 oo Ciidamo kasoo jeedda degaanada maamulka Somaliland,kuwaasoo ay tababari doonto dowladda Imaaraadka Carabta.

Qoraalka ayaa lagu sheegay inay dawladda Emiratku u fududayn doonto dalalka danaha ka leh diyaaradahooda in ay ku nastaan saldhigaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn uga soo horjeedda Saldhiga dowladda Imaaraadka Carabta ee Berbera, wasaana Somaliland ay ku adkeysanaysaa in ay ka madax banaantahay Soomaaliya.