Goodax oo lagu qasbay in u raalli-gelin ka bixiyo beentii uu ka sheegay imtixaanka Puntland, cafisna waydiisto!

Reading Time: < 1 minute

Qoraal galabta ka soo baxay xafiiskiisa ayuu ku sheegay in xog qaldan lagu siiyay in madaxweynaha Puntland shalay ku dhawaaqay in la jabsaday imtixaankii shahaadiga Puntland isaguna uu sidaasi u sheegay balse ay habbooneyd in uu hubsado warkaasi.

Sidoo kale wuxuu qoraalkiisa ku boodiyay imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda Puntland isagoo caddeeyay in uu xukuumadda iyo shacabka Puntland ku garab taaganyahay hawlaha imtixaanka.

Waxaa nasiib xumo ah in uu garan la’a yahay in uu iscasilo madaama uu ku fashilmay imtixaanaadkii isla markaana uu meel uga dhacay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan waladiinta iyo ardayda. Mid ka mida ardayda wax ku barata Magalaada Muqadishu ayaa yiri ” sideen ku aaminaa wasaarad uu hogamiyo nin waalan”.

Hoos ka akhriso qoraalkiisa