Goodax oo dhacay mushaarkii macallimiinta & mudaaharadyo ay abaabuleen macallimiinta

Reading Time: < 1 minute

Macalimiin kabadan kun (1,000) qof oo ku sugan Muqdisho iyo Gobalada dalka qaarkood ayaa isu diyaarinaya in ay ku Banaanbaxaan Xarumaha dowladda oo ay ugu horreyso xarunta Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Macalimiintaan ayaa sidoo kale ku dhawaaqi doono Shaqo joojin, sida ay u sheegeen Muqdisho Online.

Macalimiintaan Waxay ka cabanayaan Mushaar la’aan iyo Tixgelin la’aan ay kala kulmeen Wasiir Goodax.

Qaar kamid ah Macalimiintaan oo ku sugan Muqdisho, Jowhar iyo Beladweyne ayaa Muqdisho Online u sheegay in ay ka maqantahay lacag dhan lix (6) kun oo doolar Macalinkiiba taas oo ay ka soo bilaabatay sanadkii 2017 markii la doortay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Macalimiintaan ayaa katirsan dadkii loo qaatay Barnaamijka Aada Dugsiyada oo ay bilaawday Dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana bixinta iska kaashan jiray Dowladda Soomaaliya iyo hey’adda Mushruuca keentay.

Ragaan cabanaya ayaa Caasimada Online u sheegay in aysan shaqada sii wadi karin maadaama aysan helin wax xaquuq ah dhowr jeerna ay gudbiyeen Cabashooyin kala duwan balse aan waxba laga soo qaadin.

Dhibaatada ay sheeganayaan Macalimiinta aan la hadalnay waxaa la qaba dhamaan Macalimiinta loo qaatay Barnaamijka Aada Dugsiyada, waxayna noo xaqiijiyeen in markii hore ay heli jireen lacagtooda marka laga reebo bilaha qaar.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo aan la xariirnay kama Jawaabin Wicitaankayna si aan arintaan wax uga weydiino.

Mashruuca Aada Dugsiyada ayaa waxaa Aflaxay Arday badan oo hada qaarkood heerar wanaagsan ka sii maraya Waxbarashada waxa ayna faa’iido u noqotay qoysas badan oo danyar ah oo Carruurta waxbarasho la rabay.