Goodax oo Dardar Gelinaya Somaliyada Cusub (Tirtiridda Somaliweyn)

Reading Time: < 1 minute

Waa bilaabatay  siyaasadda Somaliyada Cusub ( kala qeybi oo burburi Somaliweyn) inay dhaqan gasho, kadib markii R/Wasaare Ku-Xigeenkeenna Somaliya  Ato Mahdi Guled iyo Xildhibaan Goodax oo ay wax waliba agtiisa lacag ka joogaan ayaa si qarsoodi ah u soo sexeen heshiis  lagu wareejinayo  dalka Itoobiya dekado Somaliya ku  yaalla, kaasoo aan wali la shaacin shacbigana loo soo bandhigin.

Labadan mas’uul waxay horsed ka yihiin inay dhaqangeliyaan barnaamijka Somalida cusub ee ay IGAD, Noorway iyo Kheyre garwadeenka ka yihiin. Halkaan Ka akhri qorshahaas oo dhan

Xildhibaan Cabdullahi Godax waxaa uu ka mid ahaa dawladihii Shekkh Shariif iyo tii Xasan sheikh Maxamud waxaana uu mar waliba ahaa shakhsi daacadnimo muujista inta uu haysto wuxuu rabo oo ah inta uu xilka hayo, hasa yeehsee maalinta laga wareejiyo waxaa uu bilaabaa mucaarida af laba yeer ah, isagoo dagaalka wada ilaa uu ka  mid noqonayo xukuumaddaas. Kama naxo qaran iyo dal midnaba ee waxaa mar waliba ka hor muuqata dantiisa.

Hadda waxaa uu la socday waftiga Ato Guled waxaanu wax ka soo saxeexay heshiiskaas qarsoon. Godax ma aha shakhsi sir dawladeed qarin  kara waxaanu si cad u sheegay wixii la qarinayey sida ka muuqata muqaalkan. https://youtu.be/7nQXpM7R1W0

Guud ahaan waxaa laga yaabaa in aanu Godax fahamsaneyn waxa Somalida cusub la yiraahdo iyo siyaasadda weyn ee ka dambeysa oo ah in la aqoonsado xuduud benaadka annaga iyo Itoobiya taasoo dhalineysaa in aan dhulkeenna oo xuduudkaas la kala dhex dhigay ka sabarno..

Goodax waxaa uu  leeyahay “waa inaan aadnaa halkaas oo aan siinnaa dekadaha iyo waxa ay na weysdiisteen ”. Taas waa inaan is dhiibnaa

Haddaba waa in la ogaadaa barnaamijka burburinta midnimada ee “Somaliyada Cusub”, kana dhageyso fannaanka weyn Axmed Naji Sacad oo si xanuun leh u sheegaya waxa uu Somaliyada Cusub u arkayo.