Goobtii laga soo abaabulay weeraradii Sri Lanka oo la ogaaday

Reading Time: < 1 minute

Laamaha ammaanka dalka Sri Lanka ayaa jimcihii la soo dhaafay waxay dileen Aabaha dhalay ninka weerarradii bambooyibka loo adeegsaday ka fuliyay dalka Sri Lanka.

Zahran Hashim oo isku qarxiyay hoteel ku yaalla Colombo ayaa aasaasay koox lagu magacaabi NTJ oo hadda la mamnuucay.

Ciidamada Booliiska ayaa hawgal ka fuliyay xaruntii ugu waynayd ee kooxdaas oo ku taalla magaalada Kattankudy oo ku taalla dhanka bari ee dalkaas.

Madaxweynaha Sri Lankan ayaa ku dhawaaqay in la mamnuucay in wajiga la qarsado arrintaas oo loola jeedo indho shareerka dumarka Muslimka ah, arrintaas ayaana dabo socota weerarrada dhacay.

Ciidamada amniga oo ka jawaabaya weerarkii dhimashada badnaa ee ka dhacay Sri Land ayaa howlgal ku qaaday xaruntii ugu waynayd ee kooxdaas oo ku taalla magaalada Kattankudy halkaas oo lagu dilay qaar ka mid ah kooxihii weerarka soo abaabulay.

Weerarka ayaa lagu bartilmaameedsaday Kiniisado iyo hotteeello waxaana lagu dilay ugu yaraan 250 ruux.

Axaddii waxaa la baajiyay in kiniisadaha Siri Lanka cibaado loo aado, balse dadka caasimadda ku nool ayaa isku arruursaday bannaanka kiniisadda St Anthony oo aad ugu burburtay weerarka