Golahii Xukumadda Dalka Miyaa Isku Badalay Qaswadayaasha Maanta!!!

Reading Time: 2 minutes

Waxii ka Dambee 14 Bishii Maarso Xilligii Uu soo If baxay Moshinka Laga Waday Afhayeen Golaha shacabka Ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Waxaa Jiray Muran sharci Oo Soo Kala dhex-galay Xildhibaanada Golaha shacabka Kaas Oo Salka Ku Haya Sharci Ahaanshaha Mooshinka Laga Gudbiye Goddomiyaha Golaha shacabka Ee Soomaaliya.

 

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa ukala Jabay Labada Garab oo kala Taabacsan Afhayeenka Golaha shacabka Ee Soomaaliya iyo Goddomiy Ku Xigeenka 1-aad Ee Golaha Aqalka Hoose oo Taageera Wayn Kaga Imaaneyso Xukuumada Uu Hoggaamiyo Xasan Cali Kheyre.

Goddomiyaha Jawaari ayaa ku Adkeesanaye In uu yahay Goddomiyaha Rasmiga Ee Golaha shacabka Islamarkaasina Dhowr Jeer Xildhibaanada Mooshinka Kawada ay ugu Baaqeen In uu iscasilo.

Maxamed sheikh Cismaan jawaari ayaa Hore u shaaciye in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo Uu La safan yahay Garabka isaga Mooshinka Kawada Oo Taageero Aan kala Lagambad laheed Ku bixineyso Xukuumada Uu Majaraha Uu Hayo Kheyre.

Waxii Ka Dambeeye 14 Maarso Wax Kulan ah Ma aysan Yeelan Xildhibaanada Golaha Shacabka Ee Soomaaliya Marar badan Oo Laisku Da’ye in la dhex-dhaxaadiyo  Muranka Xildhibaanada Golaha shacabka Ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa Fashil Ku dhamaaday.

Shalay Xarunta Golaha shacabka Ee Soomaaliya oo ah Xarunta Sharci Dajiyaasha dalka Muqaal ahaan Waxaa ay u Ekaatay Farun Dagaal,iyadoona Xarunta Lagu arkay Ciidama Dowlada Qeybahooda Kala Duwan Ee Ciidamada Qalabka Sida, iyo Taliyaasha ciidanka sida Taliyaha ciidamada xooga iyo kuwo kale.

Taliyaasha Ciidamada Qalabka sida Ee Soomaaliya ayaa ku Eedeeye Goddomiye Jawaari in Shalay uu La Wareegay  Xarunta Golaha shacabka Ee Soomaaliya  balse Jawaari oo arintaa ka jawaabay ayaa tibaaxay in 11 askari uu lasoo galay xarunta islamarkasina Taliyaasha Ciidamada Dowlada Laga Hadalsiiye Balse aysan iyaga iskood uga hadlin Xaalka Golaha shacabka.

Talyaha Ciidamada Xogga Dalka Janeraal Gorod oo Warbaahinta La hadlaya ayaa sheegay in lasoo Qabtay Ciidamadii Shalay La  Wareegay Xarunta Golaha shacabka, islamarkaasina ahaayen Ciidamo ka amar qaato jawaari balse Taas Badalkeed Qaar ka mid ah xildhibaanada taageersan Jawaari Waxaa ay sheegay in laxiray ilaalada Gudoomiyaha.

Xildhibaanada la magac baxay badbaadada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Ilaalada laga kaxeysto Afhaheenka Golaha Shacabka mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo lagu eedeeyay in ciidamo badan oo uu watay ay la wareegeen shalay xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Dadka ka Faalloodo Arimaha Siyaasada Ee Soomaaliya qaar kamid ah oo la hadlay Idaacada ayaa ka Digay in Ciidamada Loo Adeegsaday  Kihilaafka Golaha Shacabka islamarkaasina Lagu Tunto Xasaanada Mudanayaasha Golaha Shacabka.

Beesha Caalamka ayaa Cadaadis Ku saareesa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah Ee Soomaaliya in Xalka Gaaro Khilaafka Golaha shacabka.

Shacabka Kunool Magaalada Moqdisho ayaa Caqabad Weyn kala Kulmaya Khilaafka Sharcidajiyaasha Dalka Ka Dhex-Aloosan Waxaa Malintii Labaad Xiran Gaar Kamid  Wadooyinka Magaalada Moqdisho taas dhibaato Weyn ku ah isku socodka Dadka iyo Gaadiidka.

Mar hadii Xaruntii Sharcidajinta isku Badahshay Farun Dagaal oo kale oo maalinba maalinteeda shacabka ay maqlayaan ciidamo hebel ayaa qabsadat ,Sharcigii loo Badalay Mid qof walibada Dantiisaa Gaarka ah uu ku Fusho,Dad baa isweydiinaya Dad baa isweydiinaya Su’aal ah.

                                     “Sharci Dajiyaashii Dalka Miyaa Isku Badalay Qaswadayaasha Maanta”

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!