Golaha Wasiiradda oo Dood Iyo Xanibaad ka dib Goor-dhaw ka Degay Garoowe iyo Xaaladda oo Kacsan

Reading Time: < 1 minute

Shirka khamiislaha ah ee golaha wasiirada waxaa lagu balansanaa in uu burrito ka dhaco Magaalada Garoowe Ee Xarunta Maamulka Puntland,sida qorshahu ahaa wasiiradda Xukumadda federaalka ayaa laga rabay in ay maantadii hore gaaraan halkaasi hase’yeeshee waxaa lagu celiyay Garoonka Magaalada Muqdisho.

Diyaaradii qaadi laheed wasiiradda ayaa ku xanibneed Garoonka aadan cadde mudo dhowr saacadood  ah waxaana loo diiday in ay ka degto Garoowe sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo la hadlay Muqdisho Online.

In ka badan saacad iyo bar ayeey diyaaradu hawada ku jirtay waxaana sababtaasi lagu sheegay muran ka taagnaa Imaanshiyaha Wasiiradda oo Maamulka Puntland oo ka carooday falkii kheeyre  ka xanaaqsanaa.

Sidoo kale Shirka Golaha Wasiiradda Ee Berri ka dhacaayo Magaalada Garoowe ayaa waxaa dhici karto in  laga bedelo ajandaha ka hadalkiisu qorsheeysan yahay