Golaha Wasiiradda Jubbaland oo Ansixiyay Miisaaniyadda Jubbaland ee 2019

0

Golaha wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ansixiyey miisaaniyada uu maamulkaasi ku shaqayn doono sanadka soo socda ee 2019. Shir ay golaha wasiirada ee maamulkaasi ku yeesheen magaalada Kismaayo ayey ku soo bandhigeen xadiga ay leeg tahay miisaaniyadu, iyaga oo ansixiyey xeer kale oo in mudo ah horyaalay.

Miisaaniyada ay maanta ansixiyeen golaha wasiirada ee maamulka Jubbaland ayaa dhamayd 24,233,844.52(Afaryo Labaatan Milyan, Laba boqol iyo sadexyo sodon kun sideeq boqol iyo afaryo afartan iyo labiyo konton santi.”

Sidoo kale golaha wasiirada ee maamulka Jubbaland ayaa maanta ansixiyey xeerka ilaalinta deegaanka iyo fayadhawrka kaas oo ay diyaarisay wasaarada deegaanka iyo dalxiiska ee maamulkaas, xeerkaas oo ka hor tagaya xaalufinta deegaana isla markaana dhawraya hanaanka loo isticmaalo khayraadka laga helo dhulka korkiisa.
Wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka bada ayaa iyana waxaa ay warbixin ka soo bandhigtay shir ka dhacay Nairobi oo lagaga hadlayay ka faa’iidaysiga khayraadka badaha taas oo muhiim u ah Jubbaland maadaama oo ay xeebo leedahay.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) oo ka hadlay shirka golaha wasiirada ayaa shaaciyey hawl galo ay dhawaan qaadi doonaan kaas oo ay doonayana inay gacanta maamulkaas ku soo celiyaan deegaano aanay haatan ka talin.

Sidoo kale madaxweyne Axmed Madoobe ayaa soo jeediyey in laysku furo magaalooyinka ku jira gacanta dawlad goboleedka Jubbaland isla markaana qorshahaas lagu wajaho midnimo ay shacabku muujiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here