Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Maanta lagu dhawaaqayo

Reading Time: < 1 minute

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Golihiisa Wasiirada ku dhawaaqo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo mudo yar ay uga harsan tahay waqtigii Golaha Shacabka ay u siiyeen in uu kusoo Magacaabo.

Bahda Warbaahinta ayaa kusii qul qulaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana socota qaban qaabada munaasad la filayo in looga dhawaaqo Golaha Wasiirada ee Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Dadka Soomaaliyeed ayaa xilligaan isha ku haya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana jira siyaasiyiin qaarkood aan xildhibaano aheyn oo kasoo dhex muuqan doona Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Faah faahinta Magacaabista Golaha Wasiirada Soomaaliya kala socda