Golaha xukuumadda Puntland ayaa xalay ansixiyay soojeedin ku saabsan in wax ka beddel lagu sameeyo Dastuurka Puntland si loo kordhiyo tirada xisbiyada Siyaasadda ee ku soo baxaya doorashooyinka qof iyo cod.
Shirkii Khamiis laha ee wasiirada Puntland oo xalay qabsoomay ayaa lagu ansixiyay in isbeddel lagu sameeyo qodobka 46-aad ee Dastuurka Puntland si loo badiyo xisbiyada rasmiga ah ee ka soo baxaya barnaamijka qof iyo cod.
Qodobka 46 ee la soo jeediyay in isbeddel lagu sameeyo fiqraddiisa saddexaad ayaa qoraysa in saddexda urur siyaasadeed ee ugu cod bata doorashooyinka qof iyo cod ee golayaasha degaanka Puntland ay noqdaan saddex xisbi siyaasadeed oo rasmi ah.
“Goluhu wuxuu soo jeediyay in laga dhigo xisbiyada siyaasadda 5 xisbi halka ay awal aheyd 3 Xisbi, waxaana soojeedintaas oo si aqlabiyad leh goluhu u ansixiyey loo gudbinaya golaha wakiillada dowladda Puntland” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay shirkii wasiirada Puntland.
Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay qodobo ay ka midyihiin amniga, dib-u-dejinta ardeyda ay saameysay xaaladda Sool iyo Suudaan, dardargelinta doorashada goleyaasha degaanka, warbixinta xaaladda daadiidka dowladda iyo curashada roobabka gu’ga.