Waxaa magaalada Nairobi soo gaaray Madaxweyne Deni oo ay la socdaan wasariidii ugu badnaa oo mar qura la safra Madaxweyne Deni. Madaxdaan oo kooxdii ugu danbeeysay ay maanta soo gaartay magalaada Nairobi ayaa kulamo kala duwan la leh qaar kamida beesha Caalamka.
Waxa ay la kulmi doonaan, madaxda Bangiga Aduunka u qaabilsan Soomaaliya, Hay’adda Lacagta Aduunka, Hay’adda FOA iyo hay’adda UNESCO oo maalgalisay shirweynihii waxbarashada ee dhawaan lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Saciid Deni oo ka biyo diiday ka qaybgalka kulankii Wadatashiga Qaran ee shalay lagu soo gabagabeeyaya magalaada Baydhabo ayaa doonayo inuu qadiyada Puntland si toos ah uga iibiyo beesha caalamka iyo wadamada deeqaha siiyo dalka Soomaaliya.
Safarkaan ayaa ku soo aadaya iyada oo madaxda dowlada federaalka iyo dowlada goboleedyada ku heshiiyeen qodobo badan oo xujo looga dhigay dowlada federaalka inay hesho deeq dhaqaalo iyo kaalmo farsamo.