Golaha Wasiirada oo shalay ansaxiyay xisaab-xir ayan aqrin, kana doodin? Yaab

Reading Time: < 1 minute

Waxaa ka socda dalka Soomaaliya waa dhibaato u baahnaan doonta in lagu xaliyo sano badan. Ma jiro gole wasiiro oo karti u leh inay aqriyaan maaliyda ama xisaab xirka dalka. Wasiir Beyle oo garab ka dhiganaya xisaabiyaha guud ayaa qoraal uu isaga soo qortay hor dhigay galaha wasiirada. Iyada oo aan laga doodin xisaab xirkaaas ayaa gacanta loo tagaay.

Golaha Wasiirada XFS ayaa si buuxda isugu raacay xisaab-xirka 2020 oo ay wadajir u gudbiyeen Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle & Xisaabiyaha guud ee qaranka, halka xisaab-xirka 2021 loo dhigay sanadka 2022.

RW Rooble oo in badan lagu eedeeyay musuq-maasuq iyo boobka hantidaga qaranka ayaa waxa ay ahayd in uu  kulankii shalay ka hor in Golaha Wasiirada loo  gudbiyo xisaab xirka, laga doodo, su’aalo la iska weydiiyo, intaaba lama sameeyn ee gacanta ayaa loo taagay! Mid kamida Golaha Wasiirada oo goobjogaa ka ahaa kulanka ayaa sheegay in aan xitaa loo sheegin in la ansaxinaayo xisaab xirka 2020.

“Walaahi Gole Wasiiro ma jiro.. waa shimbiro yahoow heesa… aragti ma jirto, dareen ma jiro.. dalkaan ilaah baa u maqan… Rooble waxa uu u baahan yahay 10 sano in uu fahmo dowladnimada dalka” Sidaas waxaa yiri wasiir kamida wasiiradii shalay xaadirka ka ahaa shirka Golaha Wasiirada oo ka gaabsaday in aan magaciisa shaacino.

Wasiir Cabdiraxmaan Beyle ayaa Maaliyada dalka u maamulanayo sidiii hanti uu isagu leeyahay. Waxa uu magaalada Hargeysa iyo Booramo ka dhistay dhismayaal malaayiin doolay ah? Cidkastaa wey ogtahay in lacag la soo dhacay lagu dhisay hadana ma jirto cid ka hadlaysa.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!