Golaha wasiirada oo ansaxiyay sharciga Doorashooyinka & kan Axsaabta

Reading Time: < 1 minute

Kadib kulan aan caadi aheyn oo ay Magalada Muqdisho xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa ay ku ansixiyeen Sharciga Doorashooyinka iyo Sharciga Axsaabta Siyaasadda oo Dib-u-eegis lagu sameeyay.

Siyaasiyinta Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa si aad ah isha waxa ay ugu hayeen Sharciga doorashooyinka ee Maanta la ansixiyey wallow weli ay harsan tahay nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa.

Kulanka Golaha Wasiirada ayaa waxaa shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre,waxaana ay Goluhu si aqlabiyad leh u meel mariyeen Sharciyada doorashooyinka iyo Axsaabta Siyaasadda.

Labadaan sharci oo muhiim u ah dalka ayaa waxaa la horgeyn doonaa Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya si ay u ansixiyaan, kadibna uu u saxiixo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.