Reading Time: < 1 minute

Waxaa kulan aan caadi aheyn isugu yimid Golaha Wasiirada ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana shir-guddoominayay sii-hayaha Madaxweynaha ,ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilka KGS Mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna.

Waxaa marka hore warbixin dhanka amniga ah loogu dhageystay Wasiirka Amniga ee Dowladda KGS Mudane, Xasan Xuseen.

Dood dheer kadib Golaha Wasiirada waxa ay isku raaceen Saddex qodob:-

1) Waxa ay si guud u soo dhoweeyeen dadaalka ay wado Wasaaradda Amniga Dowladda KGS.

2) Waxaa amaan iyo bogaadin ay u jeediyeen Guddiga doorashada Madaxweynaha KGS sida ay Shaqada u wadaan.

3) Shacabka ayay ugu baaqeen in ay muujiyaan degnaansho, kuna kalsoonaadaan madaxdooda, iskana ilaaliyaan wax walba oo dhib ku keen karo xasanoolida Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!