Reading Time: < 1 minute

Mudanayaasha dowlad degaanka Somalida Itoobiya ayaa cod aqlabiyad leh waxa ay ku ansixiyeen Golaha Wasiirada maamulkaasi, kadib markii maanta la horgeeyay.

Madaxweynaha dowlad degaanka Somalida Itoobiya Mustaf Maxamed Cumar Cagjar ayaa shalay ku dhawaaqay 26 xubnood oo Wasiiro, Maareeyayaal iyo Hal Madaxweyne ku-xigeen isugu jira.

Inta badan Wasiirada maanta la ansixiyay ee uu magacaabay Madaxweynaha dowlad degaanka Somalida Itoobiya ayaa waxa ay yihiin dad ku cusub siyaasadda degaanka, islamarkaana u badan aqoonyahano.

Shacabka ku dhaqan degaanada DDSI ayaa waxa ay sheegeen inay soo dhaweynayaan ansixinta Golaha Wasiirada, waxayna tilmaameen inay wax badan ka sugayaan.