Golaha wasiir oo ku kala qeeyb-samay Mooshinka Gudoomiye Jawaari  iyo Kheeyre oo Cabsi ka Qabo in Wasiiro Badan iscasilaan!!

Reading Time: < 1 minute

R/wasaaraha Dowlada federaalka ah  Ee Soomaaliya xassan cali kheeyre ayaa waxaa uu abaabulay mooshin u muuqda in uu dhici-soobay oo ka dhan ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari,kaasi oo sababay in ay kala Irdhoobaan Masuuliyiinta Dowladda.

Warar aynu helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in Golaha wasiiradda Xukumadda Xassan Cali kheeyre ay Noqdeen Sedax Garab kuwaasi oo ku kala aragti duwan Mooshinka ka dhanka ah Gudoomiyaha Baarlamaanka iyagoo qaarkood ay ku doodayaan in ay qalad tahay in Xukumadu ay gasho Howlo nuucaas ah

Sedaxda garad ayaa waxaa ay kala noqdeen kuwa yar oo taageersan Xassan cali kheeyre islamarkaana ku siyaasad ah ,Kuwa La jira Gudoomiayaha Golaha shacabka Maxamed shiikh Cusmaan Jawaari islamarkaana aaminsan in weerar qaawan lagu soo qaaday Rabana in ay difaacaan Rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed sidoo kale waxaa jira garab kale oo diidanba in ay galaan Arimaha la xariira mooshinka iyo Shaqooyinka Golaha  Baarlamaanka

in Golaha wasiiraddu ay kala Aragti ahaadaan waxaa masuul ka ah R/wasaare Xassan cali kheeyre oo ka dheereeynaya Faraskiisa,waxeeyna tani u muuqataa mid uu ku bixi doono Qudhiisa