Golaha Wakiilada Maamulka Somaliland ayaa maanta ka doodaya Xeerka Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay dalka uga Mamnuuceen Shirkadda DP World ee laga lee yahay Dalka Imaaraadka Carabta.
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo kamid ah Golaha Wakiilada Maamulka Somaliland, ayaa Waraahinta Maxaliga ah u Sheegay in Golaha Wakiilada Somaliland ay maanta ka Shiri Doonaan Xeerkaasi, Sidoo kalena ay ka Soo Saari Doonaan Go,aan.
Xildhibaan Nacnac ayaa Tilmaamay in Xeerka Dalka Looga Mamnuucay Shirkadda DP World, uu wax Saameyn ah ku Yeelan Doonin Shaqada Shirkadda DP World ka Wado Deegaanada Somaliland, waxaana uu Sheegay in Somaliland ay 1991-kii ka Go’day Soomaaliya.
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Shalayto ansixiyay Xeer dalka Looga Mamnuucay Shirkadda DP World, Sido kale waxa arintasi manta lagu wada in ay ka fadhiistan Aqalka Sare ee Dalka.