Waxa lagu madalsan yahay Manta in Golaha wakiilada Soomaaliland ay ka doodan heshiiska sadex geesoodka ah ee dekadda magaalada Berbera oo dhawaan mas’uuliyiinta Soomaaliland saxiixeen.
wasiirka arimaha dibadda Soomaaliland Sacad Cali Shire oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in golaha wakiilada ay horgeyn doonaan heshiiska dekadda Berbera si loo ansixiyo.
gudoomiyaha golaha wakiilada Soomaaliland Baashe Maxamuud Faarax ayaa si sidaasi lamid ah sheegay in Gudiga Soomaaliland ee ka yimid Dubai ay Golaha Wakiilada ka horjeedin doonaan heshiiskaas,sidoo kalena Goluhu ay su’aalo weydiin doonaan.