Golaha Wakiilada Somaliland oo doortay, Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani

Reading Time: < 1 minute

Mudanayaasha Baarlamanka Somaliland, ayaa maanta oo Talaado ah doortay guddoon cusub. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa loo doortay, Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka sharraxnaa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Cabdirisaaq ayaa 42-cod kaga guulaystay, Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ka sharraxnaa xisbiga Kulmiye, kaas oo isna helay 39-cod, kadib loolan adag oo dhexmaray labada murashax.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ayaa loo doortay, Siciid Mire Giirre oo isna ka sharraxnaa xisbiga mucaaradka ah ee UCID ,halka Guddoomiye ku xigeenka labaad uu ku guulaysay Cali Xaamud Jibriil (UCID).