Golaha Wadatashiga Qaran oo la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka

Reading Time: < 1 minute

Golaha wadatashiga Qaran ee doorashoohinka ee ka kooban Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay Saaxiibada Beesha Caalamka ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Roible ayaa waxaa looga hadlay Arimaha Doorashooyinka iyo Taageerada Beesha Caalamka gaar ahaan bixinta dhaqaalaha ku baxaya doorashada Soomaaliya si loo dhameystiro doorashada xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

Xubnaha Golaha wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa waxaa ay siiyeen Wakiilada Beesha Caalamka warbixin ku saabsan waxyaabaha uga hirgalay doorashooyinka iyo habraaca doorashada Aqalka hoose oo ay Axadii soo saareen.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa dhankooda waxaa ay uga mahad celiyeen Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka dadaalka ay ku bixinayaan qabsoomida doorashooyinka labada Aqal maadaama dhowr jeer ay doorashooyinka ay dib u dhaceen.

Golaha wadatashiga Qaran ee diirashooyinka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay wadeen la tashiyo ballaaran, iyaga oo la kulmay Midowga musharixiinta oo tabasho ka qabay habraacii la soo saaray iyo Guddiyada doorashooyinka Heer federaal iyo Heer dowlad Goboleed.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!