Golaha Wadatashiga Qaran oo dhawaan kulmaya

Reading Time: < 1 minute

RW Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda DG Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koofur Galbeed, Hir-Shabeelle & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa wadatashi ka yeeshay qabsoomidda kulan ay uga hadlayaan Amniga iyo Doorashooyinka Dalka.

Shirka ayaa ku qabsoomay muqaalka Zoomkakaas oo ay ku kulmeen   Golaha Watashiga Qaran, Rooble, Madaxda Dowlad-Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa isku raacay in markale ay isugu yimaadaan Muqdisho. Fadhiga Golaha Wadatashiga qaran waxaa ku biiraya Guddiga sare ee uu Magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble si uu isugu xiro Golahaan, Guddiga Doorashooyinka & Beesha Caalamka.

Guddiga farsamo ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa Isniintii 21-ka June 2021 xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee maqan ku wargeliyay in ugu dambeyn Khamiista 24-ka June kusoo xarooday si loo siiyo tababar ku saabsan howlaha doorashooyinka. Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ku heshiiyay 27-kii May 2021 in joogto uu u kulmo ilaa inta laga soo-gababeynayo qabsoomidda Doorashooyinka Goleyaasha Shacabka & Aqalka Sare BFS si loo xaqijiyo in Dalka Doorasho uu galay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!