Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan uga socdo xaruntooda ayaa ansixiyay xeer dhowraya gobanimada iyo midnimada geyiga Soomaaliya.
Xeerkaan oo dhowr qodob ka kooban ayaa lagu eedeeyay Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta inay si bareer ah ugu xadgudubtay siyaasadda, madax banaanida iyo Midnimada Soomaaliya, iyadoo gebi ahaanba dalka laga mamnuucayo DP World.