Golaha Shacabka oo ansixiyay xeerkii matalaada Aqalka Sare ee Gobolka Banadir

Reading Time: < 1 minute[sales_countdown_timer id=”salescountdowntimer”]

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa goor dhow ansixiyay xeerkii matalaada Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir oo maalmihii la soo dhaafay dood adag ka jirtay.

Illaa 142 Mudane ayaa u codeysay in Gobolka Banaadir uu ku yeesho Aqalka Sare matalaad dhab ah, kaasoo ah 13 Senator, halka 4 Mudane ay diiday.

Muddooyinkii dambe xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka doodayey xeerkan oo dood badan dhaliyey, kadib markii guddiga wadajirka ee loo xilsaaray xeerarka doorashooyinka ay soo gudbiyeen in 7 xubnood kaliya gobolka Banaadir laga siiyo Aqalka Sare.

Waxaa jiray saakay xildhibaano dhawr ah oo Guddoomiyaha Baarlamaanka u gudbiyey qoraal ay ku codsanayaan in kulankaan aan loo golaan saxaafadda taasoo uu diiday guddoomiyaha, waxayna xildhibinaadaas ahaayeen kuwa diidan in Gobolka Banaadir uu maqaam ku yeesho aqalka sare.

Tani ayaa ka dhigan in Aqalka Sare ay tiradiisa guud ay noqon doonto 67 Senator, halka markii hore uu ka ahaa 54 Senator oo Maamul goboleedyada ka socday.